Somali News

Iska hor imaad uu khasaare dhashay oo ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Israsaaseyn mudo ku dhow halsaac socotay ayaa ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xurunta Gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa KNN u xaqiijiyey in iska hor imaadkaas uu ku dhintay hal qof, sidoo kalana uu dhaawac soo gaaray qof kale oo dhinacyadii dagaalamay ah.

Iska hor imaadkaas ayaa la sheegay in uu gudaha magaalada gaar ahaan qeybta Koonfureed ku dhex maray  ciidamo ka tirsan Nabad-Sugidda Galmudug iyo maleshiyaad hubeysan, waxaana haatan degan xaalada guud ee magaalada iyo goobihii lagu dagaalamay.