Sports

Isku aadka afar dhamaadka Champions League oo goor dhow la soo saaray

Muqdisho-KNN-Waxaa goor dhow la sameeyay isku aadka wareegga Afar dhamaadka (Semi Final) Champions League, waxaa isku beegmay kooxo waa weyn.

Sadex ka mid ah kooxaha usoo gudbay wareega afar dhamaadka ayaa ah kooxo aan xilli ciyaareedkii hore darajadaan soo gaarin, Bayern Munich ayaa ugu dhaweyd waxeyna ku hartay Quarter Final-ka waxaa xilgaas daaqada ka saaray kooxda Real Madrid oo ku guuleysatay xiligaasi.

Liverpool iney usoo gudbay wareega afar dhamaadka Champions League ayaa waxaa ugu dambeysay sanadkii 2008 markaas oo ay ku baxeen gacmaha Chelsea.

Halka kooxda Roma aysan soo gaarin taariikhda tan iyo markii magacaan la bixiyay wareegaan.

Xaflada isku aadka ayaa ka dhacday magaalada Nyon ee dalka Switzerland oo ah xarunta xiriirka qaaradda yurub.

Sidaan ayey iskugu aadeen Kooxaha:-

Real Madrid vs Bayern Munich

Liverpool vs As Roma

Wxaa sidoo kale jiray shaki ay qabeyn dadka daawada ciyaaraha kadib markii taageerayaasha kooxda Liverpool ay bogga Twitter-ka saacado ka hor inta aan la sameyn isku aadka ay soo dhigeyn tikidhada lagu daawanaya kulanka Liverpool Vs Roma oo la iibinayo, taas oo dad badan oo ka mid ah kuwa xiiseeya daawashada ciyaaraha ay u arkeen wax layaableh, ayaa mid ka mid ah wuxuu yiri “haddii ay tani dhacdo mar dambe ma aamini doono UEFA!”.