Somali News

Isku dhac la sheegay inuu dhexmaray ciidamada Kenya iyo shacabka Degmada Ceelwaaq

Ceelwaaq-KNN-Waraka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan degmadaasi uu isku dhac ku dhexmaray  ciidamada militariga Kenya iyo dadka shacabka ah ee ku  nool degmadaasi.

Isku dhaca ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ciidamada Kenya ay isku dayeen inay halkaasi geeyaan qalabka dhismo, kaasi oo loogu tala galay in lagu dhiso derbiga ay Kenya ka dhisayso xuduuda ay la wadaagto soomaaliya, iyadoona taasi ay keentay in shacabka Ceelwaaq ay ka hortagaan.

Korneel Aadan Xirsi Rufle oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka xoogga Xoogga ayaa KNN u sheegay in ciidamada Kenya ay dhibaato badan ka wadaan degmooyinka Gobalka Gedo.

Sidoo kale Korneelka ayaa dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ka dalbaday in arintan wax laga qabto.

Darbiga ay Dowadda Kenya ka dhisayso xadka ay wadaagaan Soomaaliya ayaa muran badan dhaliyay iyadoo dadka ku sugan degaanada u dhaw xadka labada dal ay dhawr jeer halkaasi ka dhigeen dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan dhismaha darbiga.