Muqdisho-KNN-Gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho ayaa mudo kooban shaqo joojin u sameeyay ,iyagoo ka cabanaya canshuur ay sheegeen in ay ku kordhisay dowlad goboleedka Hirshabelle.
Shaqo joojintan ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay dadweyne faro badan oo maanta doonayay inay u kala safraan magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe.
Qaar kamid ah wadayaasha Gaadiidka dadweynaha oo la hadlay KNN ayaa sheegay in aysan Awoodin bixinta lacagta faraha badan ee lagu soo rogay, waxaana ay sheegeen in ay go’aan ku gaareen in shaqada ay joojiyaan.
Wadada Isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa mudooyinkii uga dambeeyay waxaa ay aheyd mid aan amnigeeda la isku haleen Karin,waxaana mararka qaar ka dhacayay qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-Shabaab.