Kadib afar maalmood oo uu xanibnaa isu socodka gaadiidka jidka dheer ee jigjiga ilaa goday oo ay sababtay dumista buundadii shaygoosh ayaa haatan sikumeel gaadh ah xal loogu helay.
Xukuumada DDS oo dadaal dheer kubixisay sidii xal kumeelgaadh ah loo helilahaa inta buundada dib looga dhisayo, ayaa ugu danbayn waxay wakaalada jidadka JDFI ee ERA ay heshiis lagashay shirkada dhismaha Ramaax oo samaysay meela laga gudbo oo kumeel gaadh ah kuwaas oo caro iyo dhagax ladhigay.
Khabiiro iyo muhandisyo kakala socda wakaaladaha jidadka JDFI iyo deegaanka soomaalida ayaa siwadajir ah uga shaqeeyay nashqadaynta goobahan kumeel gaadhka ah ee toga laga gudbayo.
Waxayna arintaasi suurta galisay in gaadiidka iyo dadku isu socdaan.
Waxaase xusid mudan in midani aytahay oo kaliya kumeelgaadh islamarkaana loo lagu hawlanyahay xal waara oo buundada dib loogu dhisayo taasoo ay dawlada deegaanku kala shaqaynayso haayadaha ay khusayso ee heer federaal.


