Somali News

Iskuul ku dumay oo ay arday badan ku dhinteen dalka Kenya.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan todobo caruur ah ayaa dhimatay kadib markii fasalkii ay dhiganayeen uu ku dumay magaaladda Caasimadda u ah Kenya ee Nairobi. Iskuulku waxa uu ka sameysnaa alwaaxyo waxaana uu soo dumay waxyar uun kadib markii saaka iskuulku furmay.

Tobanaan qof oo kale ayaa ku dhaawacmay waxaana loo qaaday Cusbitaalka. Adeegga gurmadka deg-degga ah ee Kenya ayaa goobta ku sugan waxaana shaqaaluhu ay goobta ka raadinayaan arday ku xaniban bur-burka hoostiisa.

“Ilaa iyo hadda waxaan xaqiijin karnaa in ay 7 dhinteen 57 kalena cusbitaalka la dhigay” ayuu Afhayeen Dowladda u hadlay u  sheegay suxufiyiinta oo uu kula hadlay banaanka hore ee iskuulka Dagoretti.

Agaasimaha iskuulka dumay Moses Ndirangu ayaa sababta la xiriiriyay tubooyinka biyaha ee dhisme iskuulka u dhow oo uu sheegay in ay wiiqen awooddii asaaska dhismaha.

Hey’adda laankhayrta Cas ee Kenya ayaa qaar ka mid ah caruurta dhaawacmay waxaa ay geeysay cusbitaalka guud ee Nairobi.