Somali News

Ismaaciil Cumar Geele oo cambaareeyay Qaraxii ka dhacay fagaare uu ka khudbeynayay Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed

Jabuuti-KNN-Madaxweynaha dowlada Jabuuti Ismaanciil Cumar Geele ayaa cambaareeyay Qaraxii ka dhacay fagaare uu ka khudbeynayay Ra`iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed kaas oo maanta ka dhacay magaalada Addis-Abababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu yiri weerarkaas wuxuu ahaa weerar uu fuliyay qof ka soo horjeeda midnimada Itoobiya.

Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka lagu yiri Itoobiya waxaynu nahay laba dal oo diris ah oo wadaaga arimo dhaqaale iyo kuwoo kale.

Qaraxa maanta ka dhacay fagaaraha Meskel Square ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay dad ka baday 130 ruux sida saraakiisha caafimaadka ay ku waramayaan.

Sidoo kale Weerarkaas ayaa loo qab qabtay dad looga shakiyay in ay ka dambeeyeen kuwaas ka dawarsanayay meel aan ka fogeen goobta uu qaraxa uu ka dhacay.