Somali News

Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo doortay Madaxweynaha Jabuuti

Djibouti-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay madaxtinimada dalkaas, kadib markii uu helay 98.41% codadkii dadweynaha dadka reer Jabuuti ee doorashadii shalay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadan, sida ay soo werinayaan weriyaal ku sugan goobta ay ka soco tirinta codadka ee magaalada Jabuuti.

Hadal kooban oo uu shalay jeediyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, markii uu dhiibanayey codkiisa ayuu ku sheegay inay doorashadu si nabad ah ku dhacday, isla markaana uu sugayo natiijada doorashada.

Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, wuxuuna helay 1.59% tirada guud ee doorashadan. Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharaxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan 2021-ka.