Somali News

Ismaamulka Soomaalida oo qorshaynaya in uu Tigray ciidan diro

Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheeegtay inay suurta gal tahay inay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka ay u diraan dhinaca gobolka Tigray ee Waqooyi Ethiopia si ey uga qeyb qaataan dagaalada halkaas ka socda, laakiin ilaa iyo hadda aysan jirin ciidamo ay direen.

Wasiirka Warfaafinta ee dowlad Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia Cali Badal Muxumed ayaa sheegay in dowlad deegaanka ay qeyb ka tahay dowladda Federalka ee Ethiopia isla markaana ay taageero u fidinayaan dowladda dagaalka ay kula jirto Jabhadda TPL, laakiin wuxuu meesha ka saaray warar maalmihii la soo dhaafay la isla dhexmarayay oo sheegay in Maamulka uu ciiddan diray.

Dagaalka kasoo cusboonaaday dalka Ethiopia ayaa saameyn xooggan oo dhanka nolosha ah ku yeeshay dadka shacabka ah ee halkaas ku dhaqan, dhowr mar oo hore ayaa qaramada midoobay waxa ay walaac uga muujisay nolosha dadka rayidka ah.