Muqdisho-KNN-KorneelAadan Axmed Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka oo lahadlay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in xiligan uu khilaaf ka dhex taaganyahay Masuuliyiinta ugu sareysa ee Degmooyinka Gobalka Gedo.
Maamulada Khilaafka u ka dhex aloosan ayuu ku sheegay Korneel in ay ka mid yihiin Degmooyinka Garbahaarey, Baardheere iyo Beledxaawo ee Gobalka Gedo, isagoona sheegay in arintaasi ay dhibaato badan ku tahay shacabka ku dhaqan gobalkaasi.
Sidoo kale Waxaa uu tilmaamay in Caqabado badan ay la kulmaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Degmooyinka Gobalka Gedo, isagoona tilmaamay dhibaatooyinkaasi ay kaga imaanayaan Ciidamada Dowlada iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka Korneelka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili Maalmihii ugu dambeeyay ay soo ifbaxayeen in khilaaf la sheegay is qab qabsi maamul uu ka soo cusboonaaday Maamulada ka arimiya degmooyinka Gobalka Gedo.


