Somali News

Israa’iil oo digniin u dirtay ururka Xamaas

Muqdisho-KNN-Hogaamiyayaasha Israa’iil ayaa uga digay kooxda Xamaas in xaaladda iska horimaad ee Qaza ay sii ballaaran doonto haddii aysan joojin gantaalada iyo buufimaha ay ku jiraan walxaha qarxa ee ay xudduuda ku soo ridayaan.

Wasiirka gaashaandhiga Israa’iil Benny Gantz ayaa sheegay in kooxda Xamas ee gacanta ku haysa Qaza ” ay khasaaro daran la kulmi doonaan “.

Balse afhayeen u hadlay Xamas ayaa wacad ku maray “inaysan ka laba-labeyn doonin inay dagaal la galaan haddii Israa’iil ay soo weerarto islamarkana ay go’doominta sii socoto “.

Kooxda Xamaas ayaa waxay 12 gantaal ku rideen dhanka Israa’iil.

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa dhankooda fuliyay saddex weerar oo ay Qaza ku qaadeen.

Tan iyo toddobaadkii aanu soo dhaafnay, tiro madaafiic ah iyo buufimo walxaha qarxa ay ku jiraan ayaa laga soo riday dhanka magaalada Qaza.

Israa’iil ayaa ku jawaabtay duqeyn ay sheegtay inay la bartilmaameedsatay saldhigyo ay Xamas leeyihiin.