Somali News

Israa’iil oo lagu eedeeyay in ay weerartay Koofurta Siiriya.

Muqdisho-KNN-Warbaahinta Dowladda Siiriya ayaa Arbacadii waxaa ay werisay in Isra’iil ay duqaymo la beegsatay Gobolka Koofureed ee Daraa, waxayna intaas ku dartay in weerarka Isra’iil uusan khasaare dhalin.

Wakaaladda Wararka Siiriya ee NASA iyo TV-ga Dowladda ayaa intaas waxaa ay ku sii dareen in gardaradda Isra’iil ay waxyeeleeysay Saldhigyo ay ciidanka Siiriya ku leeyihiin meesha lagu magacaabo Tal Al-Xarra.

Bil ka hor ayaa Israa’iil waxaa ay beegsatay isla goobtaan oo ah meel istiraatiiji ah oo u dhow dhulka Golan Haytis ee Yahuuddu ka qabsatay Siiriya.

Sidoo kale dhulkaas waxaa horay u heystay falaagadda Dowladda kasoo horjeeda balse Ciidanka Dowladda ayaa kala wareegay sanado ka hor.

Dhanka kale ma jiro war kasoo baxay Isra’iil o xaqiijinaya warka Siiriya ama beeninaya.