Somali News

Israa’iil oo sheegtay in Dad u dhashay Iran ay ku laysay Siiriya.

Muqdisho-KNN-Wasiir ka tirsan Xukuumadda Isra’iil ayaa sheegay in wadankiisu uu yahy dalka kaliya ee muddo laba sano ah dilayay Dadka Iran, hadalkaan ayaana imaanaya xilli ay sii kululaaneyso xiisadda Reer galbeedka iyo Iiran.

” Isra’iil waa dalka kaliya ee dunida muddo laba sano ah laynayay dadka Iran ee jooga Siiriya” ayuu yiri wasiirka iskaashiga Gobolka Zaaji Xanigbi oo wareeysi siiyay Raadiye laga leeyahay Isra’iil.

“Waan duqaynaa Iraaniyiinta jooga Siiriya boqolaal jeer, mararka qaar waan ka mahad celinaa warbixino shisheeye ayaana shaaca ka qaada”ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Boqolal weerar oo Isra’iil ay ka geystay siiriya bartilmaameedkoodu ahaa Dadka Iran u dhashay iyo military-ga Xisbullah.

Majiro war ka soo baxay Iran oo ku saabsan Sheegashadda Isra’iil.