Somali News

Israel oo duqeyn dad badani ku dhinteen ka geysatay dalka Suuriya

Muqdisho-KNN-Afar ruux ayaa dhimatay halka 21 ruux oo kalana ay dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha Israel ay gantaalo labartilmaamayd sadeen magaalooyin Xumus iyo Dimishiq ee dalka Suuriya.

Military’ga Suuriya ayaa gantaalo ugu jawaabay diyaaradaha dagaalka ee Israel sida lagu baahiyay wakaalada wararka ee Sana.

Urur uu fadhigiisu yahay dalka UK una dooda xuquuqda aadanaha sheedana kalasocda arimaha dalka Suuriya ayaa sheegay in magaalada Xumus ay xarumo waawayn kuleeyihiin ciidamo katirsan dowlada Iran iyo Ururka shiicada ah ee Xisbullah.

Sidookale sida uu Ururku sheegay meel u dhaw caasimada Dimiqshiq ayaa waxaa saldhigyo ku leh Ciidamada Ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran.

Ciidamado katirsan ururka Xisbullah iyo kuwa Kacaanka Iran ayaa weerarka sidoo kale ku dhaawacmay sida uu sheegayo Ururka sheeda kala socda arimaha Suuriya.     

Militariga Israel ayaana wali wax war ah kasoo saarin duqaymahan ay diyaaradahooda ka gaysteen gudaha dalka Suuriya.