Somali News

Israel oo duqeysay dhismo ay degenaayeen warbaahin caalami ah

Diyaarada Israel ayaa maanta duqeeyay xaruunta Telefishinka Al-Jazeera ee magaalada Qasa ee Falastiin.

Muuqaalo ay baahisay Al-Jazeera ayaa muujinaya dhismaha oo gabi ahaan burburay, isla markaana dhulka ku sii hoobanaya.

Xaruuntan waxaa degganaa warbaahin kale oo caalami ah sida wakaaladda wararka ee AP.

Al-Jazeera ayaa si xiriir ah u tabinaysay dhacdooyinka argagaxa leh ee ka socda magaalada Qasa oo ay geysanayso Israel.

Bayaan kasoo baxay militeriga oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in dhismaha Qaza Tower uu yaallay ‘agab militeri’ oo ay lahaayeen ururka Xamaas isla markaana ay gabaad ka dhiganayeen halkaas.