Somali News

Israel oo mar kale duqaysay Gaza

Israel ayaa sheegtay inay bilowday duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xamaas ee marinka Gaza, ka dib markii buufimoyoyin qaraxha sameeyaa kaga yimaaddeen dhanka Gaza.

Qaraxyo ayaa laga maqlay magaalada Gaza salaaddii hore ee maanta kuwaas oo meelo kala duwan ku dhacay.

Dhowr buufimooyin oo qarxaya ayaa ka yimi Gaza oo laga arkay Israel gelinkii hore ee Talaadada, taas oo sababtay dab badan oo kacay, sida ay sheegtay waaxda dab damiska ee Israel.

Waa markii ugu horreysay ee uu dagaal qarxo tan iyo 11 maalmood oo dagaal u dhexeeyay labada dhinac uu ku dhammaaday xabad joojin 21-kii May.