Somali News

Israel oo xirtay warbaahinta Al-jazeera

Golaha Wasiirada Israa’iil ayaa go’aan ku gaaray in ay xiraan shaqada warbaahineed ee shabakadda Aljazeera ee dalkaasi.

Israa’iil ayaa muddo dheer ku eedeyneysay Al Jazeera – oo qayb ahaan ay maalgeliso dawladda Qatar – in aanay dhexdhexaad ahayn iyo in ay u ula dhaqanto Israa’iil si eex ah.

Mar sii horreysay, Knesset , baarlamaanka Israa’iil ayaa meelmariyay sharci oggolaanaya in si kumeelgaar ah loo xiro warbaahinta shisheeye ee loo arko in ay halis ku tahay ammaanka qaranka