Somali News Uncategorized

israsaaseyn ka dhacday degaanka Ceel-Macaan

Ceel-Macaan-KNN-Degaanka Ceel-macaan ee gobolka Shabeellaha Dhexe  ayaa maanta waxaa ka dhacay is rasaaseyn u dhexeysay ciidan hubeysan oo ilaalo ka hayay Kaawo ku taalla degaanka Ceel-macaan iyo ciidan la sheegay inuu watay wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo dekadaha maamulka Hirshabeelle Cusmaan Xaadoole.

Wariyaha KNN ee Shabeelaha Dhexe ayaa soo sheegaya  in marka hore labada ciidan ay wada murmeen, kadibna  uu dagaal ka bilowday, iyadoona israsaaseyntaasi uu khasaare ka dhashay.

Inta la ogyahay 5 qof ayaa ku dhintay tiro intaa ka badan waa ay ku dhaawacmeen,iyadoona dadkii ku dhaawacmay  loo soo qaaday isbitaalka Keysaney ee  ku yaala magaalada Muqdisho.