Somali News

Israsaaseyn u dhaxeysa Ciidamo kawada tirsan Milateriga Soomaaliya oo ka dhacday Balcad

Balcad-KNN-Wararka ka imaanaya dagmada Balcad ee Gobolka  Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maanta ay halkaas ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeysa ciidamada ka kala amar qaata masuuliyiin ka wada tirsan maamulka dagmadaas.

Xiisada ayaa ka dhalatay sida wararka ay sheegayaan isbaaro lacago looga qaadayay gaadiidka oo ciidamo la sheegay iney ka amarqaataan xoghayaha dagmada Balcad ay dhigteen taas oo cabasho ay ka muujiyeen gaadiidleydii isaga kala gooshayay jowhar iyo muqdisho.

Gaadiid fara badan ayaana maanta ku xayirmay isbaarada cusub ee ay dhigteen ciidamada ka amar qaata xoghayaha degmada Balcad sida ay sheegeyn darawaliinta Gaadiidka ee mara wadadaasi.

Gudoomiyaha dagmada Balcad ayaa ciidamo u diray si looga qaado isbaarada balse waxa uu dagaal dhex maray ciidamadii dhigtay isbaarada iyo ciidamadii uu gudoomiyaha u diray. Israsaaseyn socotay mudo daqiiqado ah ayaa waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Inta hada la xaqiijiyay ilaa 6 askari oo dhinac yadii dagaalamay ah ayaa ku dhaawacmay israsaaseynta halka laba kalana ay ku dhinteen.

Mas’uuliyiinta degmada iyo maamulka degmada Balcad oo aan la xariirnay kama jawaabin wicitaankayna, waxaan isku dayi doonaa inaan helno mas’uuliyiinta degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe si aan wax uga weydiino dagaalkii maanta ka dhacay degmadaasi.