Adisababa-KNN-Maalmihii danbe iyada oo la isla dhexmarayay warar sheegaya in dhawaan ay suuragaltahay in la kala diro Ciidamada Liyuuga loo yaqaan ee ka howgala deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay heysato, ayaa warkaa waxaa beeniyay taliska sare ee Itoobiya.
Wargeyska Adis Standard oo xiganaya Saraakiil Sare oo Itoobiyaan ah ayaa sheegaya in warkaa uu been abuur yahay marnabana aan la kala diri doonin ciidamada Liyuu Booliska.
Ciidamada Liyuuga ayaa lagu unkay dowlad deegaanka Soomaalida xilligii uu xukunka qabsaday Madaxweynihii dhawaan iscasilay Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana tirada ciidamadaa lagu sheegaa 45,000 oo askari.
Warka kala diridda ciidamadan ayaa markii ugu horeysay waxaa baahiyay Telefeshanka Itoobiya ee ETV, durbadiina xowli ayuu ku faafay warkani.