Somali News

Itoobiya oo beenisay in TPLF ay sii daayeen maxaabis Milatariga Itoobiya ka tirsan.

Wasaarada Adeegga Warfaafinta oo war saxaafadeed kasoo saartay fidinta xogaha been abuurka ah iyo borobogaagndada indhaha bulshada caalamka lagu soo jiidanayo, ayaa sheegtay in kooxda TPLF ay dadaal xoogan ugu jirto, Sidii ay bulshada caalamka ugu soo jiidan lahayd.

Wasaarada ayaa qararka ay soo saartay kutidhi “Qarinta iyo daboolida Dagaal ooganimada, waxyeelaynta iyo qaran dumisnimada argagixisada, waxaa cadayn dhab ah u ah “oradka iyo ruclaynta ay ugu jiraan sidii ay Nabad doon iskaga dhigi lahaayeen, iyagoo mar marsiiyo kadhiganaya, waxaan sii daynay Maxaabiis Ciidanka difaaca dalka katirsan”.

Dowladda Itoobiya ayaa cadeeysay in TPLF ay iskudayeyso inay bulshada beesha caalamka iyo shacabka gudaha dalka ay borobogaando iyo mishin siyaasadeed ku khaldaan.

Wasaarada Adeegga warfaafinta JDFI ayaa sheegtay in dadka TPLF ay soo daysay ay ka dhigayaab Maxaabista ciidan una badan yihiin muwaadiniin shacab.

Sidookale dawlada ayaa baadhis ay samaysay ku xaqiijisay in kooxda  TPLF ay kooxaha xagjirka iyo argagixisada ka soo uruurisay Xubno ay Markii horeba iyagu tababaranayeen oo wadanka kusoo daayeen si danahooda ugu fulinayaan islamarkaana ay xogaha dawlada ugu soo gudbiyaan, iyagoo kadhigaya sidii in ay soo daayeen Maxaabiis ay Ciidamada difaaca kaqabsadeen oo kale.

Ugu danbeeyn Wasaarada Adeega Warfaafinta JDFI ayaa dhamaan Shacabka dalkaaasi ugu baaqday  in ay bulshadu fahanto in ujeedada xogaha ay kooxda TPLF fidinayso ay yihiin, Macluumaad ay kufushanayaan falal gurracan oo ujeedo khaldan iyo qas Xambaarsan.