Somali News

Itoobiya oo Gacanta ku dhigtay qaraxyo loo waday Adis ababa

Dowladda Ethiopia ayaa gacanta ku dhigtay Gaari lagu soo raray Bambaanoyinka gacanta laga tuuro oo ku sii jeeday Magaalada Adis Ababa.

Taliye ku xigeenka Booliska Ethiopia ayaa sheegay in Gaariga kasoo baxay magaalada Mekelle ee caasimada Gobolka Tigreey lagu qabtay degaanka Waldiya ee Gobolka Amxaarada.

Taliyaha waxa uu shaaca ka qaaday in bambaanooyin gaaraya 161 bam ay qabteen lana damacsanaa in qaraxyo looga fuliyo caasimadda Adis Ababa.

Gobolka Tigreey waxaa laga saaray Hogaamiyaashii maamulayay sanadkii tagay markii ay xoog kugaleen ciidanka Federaalka Ethiopia.