Somali News

Itoobiya oo shaaciyay in ciidamada Eretria ay ka baxayaan dalkaasi

New York-KNN: Ergayga gaarka ee dawlada Ethiopia u fadhiya Q,M Taye Atske Selassie ayaa sheegay in dhawaan ay ciidamada Eritrea ka baxayaan gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya.

Danjire Taye atske waxaa uu sheegay in ciidamada Eritrea oo ka qeyb qaatay xasilooni kusoo celinta gobolka in hadda qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan dalkooda ugu laabtaan.

Danjiraha Ethiopia ee Q,M inkastoo uu dafiray eeda ah in ciidamada Eritrea ay xasuuq ka geysteen gobolka Tigreega ee waqooyiga Ethiopia ku yaala haddana waxaa uu qirtay in qeyb ahaan ay ku lahaayeen dagaalkii lala galay jabhadda TPLF,ta.