Somali News

Itoobiya oo sheegtay in ay bilowday dhaqan gelinta heshiiska Badda.

Dowladda Itoobiya ayaa mar kale faah faahin ka bixisay heshiiska muranka badan dhaliyay ee la saxiixatay Somaliland, kaasi oo dhigayay in qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya laga kireeyo isla markaasna ay ka dhigato saldhig ciidan.

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida Itoobiya, Redwaan Hussein ayaa sheegay in ay ka go’antahay hirgalinta heshiiska ay la gaareen Somaliland, isla markaasna hadda ay diirada saarayaan dib u dhiska waddooyinka isku xira xadka ilaa goobta ay sheegeen in laga kireeyay.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in xilligani Itoobiya ay diirada sareyso in ay hesho dekad iyo bad ay u soo marto badeecada uga timaada caalamka.

“Goobta aan duuneyno in aan saldhiga ka dhigano waxaa ay ku taalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Berbera iyo Saylac, istaraatijiyad ahaan waa bar muhiim ah waxaana ay ku dhowdahay xadkeena, hadda waxaan diirada saareyna in aan dhisno jid aan u marno”

Isaga oo sii hadlaya Agaasimaha Nabad sugida Itoobiya ayaa ka hadlay xiriirka meesha uga hooseysa gaarey ee kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.

“Anaga ma dooneyno in aan faragalino Soomaaliya, ma rabno in aan dhibaato ka hurino gudaha Soomaaliya, wax aynan heysana kuma raadineyno xoog”

Hadalka ka soo yeeray Agaasimaha Nabad Sugida ee Itoobiya ayaa ku soo aadaya xilli Khilaafka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya uu gaarey meeshii ugu hooseysay.
Dhowaan ayayna aheyd markii dowladda Federaalka Soomaaliya ey dalka ka eriday safiirka Itoobiya, iyada oo sidoo kale ku dhawaaqday in dhowaan dalka laga saari doono ciidamada Itoobiya ee ku sugan qeybo kamid ah Koofurta Soomaaliya.