Uncategorized

Itoobiya oo sheegtay in ay dishay Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Xilli dagaal Culus uu ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya ee Qeybta ka ah AMISOM iyo Al-shabaab Degaanka Ceel-gaal ee Gobolka Hiiraan ayaa Weerarkaas waxaa ka hadlay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya Ee AMISOM ka midka ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo soo Xiganeysa Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa sheegtay in Dagaalkii ka dhacay Ceel-gaal ay ku dileen 12 kamida Dagaalameyaasha Al-shabaab islamarkaana ay ka Furteen Hubkii ay wateen.

Al-shabaab ayaa Xalay Jidka u galay Ciidamo ka tirsan Midawga Afrika EE AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ee Gobolka Hiiraan ku sugan,waxaana halkaas ka dhacay Dagaal Muddo qaatay.

Hayeeshee ma jirto wax War ah oo ka soo baxay  Xarakada Al-shabaab oo ku Aadan sheegashada AMISOM ee ah in dagaalkii ka dhacay Gobolka Hiiraan looga dilay Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.