Somali News

Itoobiya oo sheegtay in ay ka jawaabi doonto Weerarkii Al-Shabaab ee Buurhakaba.

Muqdisho-KNN-Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in jawaab ay kabixiso weerarkii ugu danbeeyay ee al-shabaab ku qaadeen qaar katirsan golanyada ciidamada Ethiopia oo marayay meel u dhaxeysa degmada Buurhakaba iyo Magaalada Baydhabo.

Warbixintan oo kasoo baxday Addis Ababa ayaa sidookale lagu beeniyay in al-Shabaab ay kadileen ciidamada Ethiopia wax askar ah. 

Dagaalamayaasha al-Shabaab ayaa dhawaantan sheegtay masuuliyada weerar ay dadbadi ku dhinteen oo lagu qaaday hotel ku yaalo galbeedka caasimada Nairobi.

Warbixinta kasoo baxday Addis Ababa ayaa sidookale aanan lagu sheegin nuuca dagaal ay jawaabta kaga dhigi karaan al-Shabaab.

Ciidamada Ethiopia ayaa kamid ah ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom inkastoo ay jiraan sidookale ciidamado Ethiopian ah oo kamadax banaan kuwa Amisom.

Al-Shabaab oo gudaha soomaaliya ka dagaalamyay inkabadan 10 sano ayaa sheegtay dhamaadkii bishii October in 30 kamid ciidamada Ethiopia ay ku dileen gudaha Soomaaliya kahor isbuucya uun markii dowlada Ethiopia ay sheegatay dhankeeda in duqayn ay ku dishay 70 kamid ah dagaalamayaasha al-shabaab.