Somali News

Itoobiya oo xabsiga dhigtay Wasiirro ka tirsanaa maamulkii hore ee DDSI

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis ababa ee caasimada itoobiya ayaa sheeegaya maanta la xir xiray xubno hore oo ka tirsanaa maamulkii awooda lagu maquuniye ee Cabdi Maxamuud Cumar.

Ragga la xiray maanta ayaa waxaa kamid ah labo wasiir oo dhawaan laga soo celiyey magaalada Hargeysa ee Somaliland iyo sidoo kale waxaa la xiray xildhibaano ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar kuwaasi oo maalin ka hor baarlamanka dowladd deegaanka uu ka qaaday xasaanadda.

Xubnaha maanta la xiray ayaa kala ah wasiirkii cadaalada Cabdi Jamaal Axmed iyo wasiirkii waxbarashada ibraahim Aadan Sacab.

Sidoo kale waxaa xabsiga la dhigay Deeq buraale iyo Cumar Maxamed Rooti oo labadooda baarlamanka dowladd deegaanka uu ka qaaday xasaanaddii.

Shalay ayeey aheed markii Telefiishanka Itoobiya uu baahiyey in xabsi la dhigay madaxweynihii hore ee dowladd deegaanka soomaali galbeed Cabdi Maxamuud Cumar oo dhawaan xasaanaddii ay ka qaadeyn.