Sports

Ivan Rakitic: Go’aanka Andres Iniesta waa in la ixtiraamo”.

Muqdisho-KNN-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Ivan Rakitic ayaa qirtay inuu ku farxi lahaa Andres Iniesta inuu sii joogo kooxda, lakiin waxa uu sheegay in go’aanka kama dambaysta ah ee saaxiibkiisa “lagu ixtiraami doono”.

33-sano jirkaan ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo maalmaha soo socda mustaqbalkiisa ka dib dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo lala xiriirinayo xiriirka xoogan ee u dhaxeeya kooxaha horyaalka Shiinaha ee Super League.

Iniesta ayaa 670 kulan u saftay Barca, waxaana uu ku guuleystay 31 koob 16ka sano ee uu ku soo biiray kooxda koowaad, Rakitic ayaana doonaya inuu xiddiga reer Spain ku sii dheeraado Camp Nou ka dib markii uu qeyb muhim ah ka ahaa kulankii 5-0 Copa del Rey ee kaga hanteen Sevilla .

“Ma aqaano [hadii uu sii joogayo],” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

“Waxaan rajeynayaa inuusan ka tageynin, waa uu ogyahay halkaan waxa uu ku haysta sumcad, waxaan u maleynayaa in taageerayaasha ay nala doonayaan inuu inaga nala qaato waqti kale oo dheer sida ugu badan ee aan rabo wa sidaa, dhammaanteen waanu ixtiraami doonaa go’aankiisa. ”

Iniesta ayaa la siiyay sacabka labada kooxood ee taageerayaasha ah markii lagu bedelay Finalihii Copa del Rey Wanda Metropolitano iyadoo Barca ay dhameystirtay qeybtii ugu horeysay ee xagaagan ay ku doonayso inay ku guulysto labo koob.

Qalinkii:Aadam Aqyaar