Somali News

J. Biden oo aad ugu dhaw in uu noqdo madaxwaynaha wadanka Mareykanka.

Wali waxaa ka soconaya qaybo kamid ah wadanka Mareykanka tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii shalay.

Tartanka ayaa u dhaxeeyo musharaxiinta kala ah madaxwaynaha haatan ee dalkaasi Donald Trump oo doonaya in dib loosoo doorto iyo Joe Biden madaxwayne ku xigeenkii hore ee Mareykanka.

Mr Biden ayaa looga baahan yahay kaliya in uu helo lix cod oo ah nuuca loo yaqaano Electoral college halka Trump’na uu u baahanyhay illaa iyo 56 cod.

Madaxwayne Trump ayaa shalay mar uu shir jaraa’id qabtay sheegay in doorashada uu isaga ku guulaystay waxa socdana ay yihiin ku shubasho.

Balse arintaasi uusan u haynin wax cadeen ah ayuu kala kulmay cambaarayn xoogan