Somali News

J Gorod”Milatarigu waa in ay u hogaansamaan xeerarka Caalamiga ah”

Muqdisho-KNN-Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa taliskooda sare war kasoo baxay waxaa lagu amray, in ay ilaaliyaan xuquuqda adaanaha iyo waliba xeerarka caalamiga ah.

Taliyaha ciidamada milatariga Soomaaliya Jeneraal Cabdi-wali Jaamac Xuseen(Gorod) ayaa amray ciidamada uu maamulo in ay dhowraan xuquuqda aadanaha, iyo xeerarka caalamiga ah, ciidamadii ku xadguba xeerarkaana waxa uu sheegay in la la tiigsan doono sharciga.

Taliyaha ayaa soo jeediyay in ciidamadu xilliyada ay howgallada sameynayaan, ay ka taxadaraan in ay dhibaato u geystaan dadka rayid ah iyo hantidoodaba.