Somali News

Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka Tanzania oo Gawaaari ku wareejiyey Masuuliyiinta Safaaraddaasi.

Muqdisho-KNN-Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Tanzania, ayaa kala wareegtay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool labo gaari oo ay ugu talo galeen in ay adeegsadaan Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Safaaradda ka howlgala.

Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa lagu yiri”Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania waxa ay uga mahadnaqeysaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dar es Salaam, Tanzania taageerada ay mar walba la garb taagantahay Safaaradda”

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 2da Febraayo 2022, waxaa si dhab ah u hawlgalay laba gaari oo ay Jaaliyaddu u soo iibisay Safaaradda iyadoo si rasmi ah ay gawaaridaas ku yimaadeen magaca Safaaradda Soomaaliyeed