Uncategorized

Jaamacad Carabta oo ka hadashay dadkii Shabaab ku dhameeyeen weerarkii Hotel-ka Naasa-hablood.

Muqdisho-KNN-Qoraal uu soo saaray Xoghayaha Ururka Jaamacadda Carabta ayaa looga hadlay qaraxii Qaraxii iyo weerarkii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku qaadeyn Hotelka Naasa-hablood Labo ee degmada Xamar-weyne waxaana Tacsi loogu diray Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladda si loo helo Nabad iyo Xasilooni buuxda oo Soomaaliya ka dhalata.

“waxaan tacsi u direynaa Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed musiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho waxaana Naxaariis Alle ugu baryeeynaa kuwii dhintay kuwa dhaawacana Alle ha bogsiiyo” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Jaamacadda Carabta.

Jaamacadda carabta ayaa sidoo kale sheegtay in  ay ka go’an tahay garab istaagga Soomaaliya.