Muqdisho-KNN-Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay gaadiidka Ambulance-yada oo ay u deeqeen Ururka Jaamacada Carabta, isagoona sheegay in gaadiidkan wax loogu qaban doono shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho.
Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in gaadiidkan ay tiradooda gaarayso ku dhawaad afar gawaari, kuwaasi oo loogu adeegi doono shacabka Muqdisho, isagoona shaaca ka qaaday in degmooyinka gobalka Banaadir la geyn doono gaadiidkan.
Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa uu sheegay in maamulka Gobalka Banaadir ay ka go’an tahay ka shaqeynta Horumarka caasimada, sida amniga, xasiloonida isdhaxgal bulshada qabaheyda kala duwan.
Halkan ka Dhageyso Codka



