Somali News

Jaamacdda Carabta oo cambaaray’say hadal kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israel.

Muqdisho-KNN-Ururka Jaamacadda Carabta ayaa cambaaray’say qorshaha Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ku damac sanyahy in deegaameen hor leh uga sameeyo dhulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed.

Talaadadii ayuu sheegay Netanyahu in uu doonayo in dhulka Israel uu ku daro Dooxada Jordan iyo waqooyiga Badda Dhimatay, haddii uu xilka kusoo laabto doorashooyinka guud ee todobaadka soo aadan dhacayo.

Masuuliyiinta dalalka Jordan, Turkey iyo Sacuudiga ayaa cambaaray’yay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha Israel.

Madaxa wadaxaajoodyada u qaabilsan Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale go’aanka Netanyahu ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Sidoo kale ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in qorshaha Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ay tahay gardaro dhaawici karto hormarkii dii laga gaaray. 

Israel ayaa qabsatay Daanta Galbeed sanadkii 1967’dii.

Balse xisbiyada mucaaradka ayaa ku doodaya in Ra’iisul Wasaare Netanyahu aysan dhab ka ahayn balanqaadyada uu sameenayo balse kali ah uu doonayo in ladoorto.