Somali News

Jabuuti oo dadkeeda kasoo saareeysa Kilinka Shanaad

Diri-dhabe-KNN-Muwaadiniinta udhashay dalka Jabuuti oo dhibaato kala kulmay Oromada ayaa maanta dowladoodu waxa ay billowday in ay kasoo saarto Magaalada Diri-dhabe ee Kilinka Shanaad ku taalla.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay udirtay dadka Jabuutiyaanka ah ee xilligan jooga Diri-dhabe diyaarad gaar ah, oo la doonayo in lagu soo daadgureeyo.

Jabuutiyaanka ku sugan Diri-dhabe ayaa lagu qayaasay xilligan Labo boqol oo ruux, waana dad badankoodu u xagaa baxay halkaasi.

Dhawaan ayay aheyd markii 9-ruux oo jabuuti kasoo jeeda ay kooxaha Oramada ku dileen Diri-dhabe.