Jabuuti-KNN-Dowlada Jabuuti ayaa loo soo jeediyay in ay aheed in ay qeyb ka noqoto wadahadalada u socda hogaamiyaasha dowladaha Eritrea iyo Itoobiya kuwaas oo ka heshiiniya colaadii mudda dheer u dhaxeysay ee ka dhalatay is qab qabsi ku aadan dhanka iyo xaduudaha.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dalka Jabuuti ayaa soo jeeday in dowlada Jabuuti ay aheed in heshiiskaan ay qeyb ka ahaato maadaama colaadaas dowladahaas u dhaxeysay, dowlada Jabuutina ay qeyb ka aheed.
Cumar Shiikh Doon oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ee dalkaas ayaa yiri ” Waxaa habooneed in Jabuuti kaalinteeda ka ciyaarto heshiiskaas, maadaama xiisadii ka taagneed xuduudaha dowlada Jabuuti ay saameen ku laheed.
Hadalkaan ka soo yeeray mucaaradka dalka Jabuuti ayaa imaanaya xili hogaamiyaasha dalalka Eritrea iyo Itoobiya ay ku kulmayaa dalka Itoobiya xili shalay madaweynaha Eritrea uu gaaray magaalada Addid-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Madaxweynaha Eritrea ayaa booqasho sedax maalin qaadan doono ku qaadanaya dalka Itoobiya.