Djibouti-KNN-Xaflado loogu dabaal dagayo maalinta dalka Jabuuti uu xuriyadda ka qaatay Gumeystihii France ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay dalka Jabuuti, waxaana sidoo kale wali ka socda dalkaasi dabaal dagga xuriyadda Jabuuti oo maanta ku beegan.
Dalka Jabuuti ayaa Xuriyada ka qaatay Gumeestihii Dalka France 27-kii June sanadkii 1977dii waxaana ka soo wareegatay 41 sano, Madax ka tirsan Wadamada Africa ayaa ka qeyb galaya xafladaha ka dhacaya dalkaasi.
Jabuuti ayaa ah wadan yar oo ku yaala Bariga Africa, waa wadank ay ku teetsan tahay Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, waxaana fariismo ku leh wadamo badan oo reer Galbeed ah kuwaas oo ku loolamayo Qaaradda Africa.