Djibouti-KNN- General Zakariye Sheekh Ibraahim taliyaha ciidamada militariga Jabuuti oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay usoo dirayaan Ciidamo cusub oo ka qeyb qaata Howlgalka Al-Shabaab looga saarayo Soomaaliya kadib weeraradii xanuunka badnaa ee ka dhacay Muqdisho Bishii October ee Sanadkaan.
Gen. Zakariye ayaa sheegay Ciidamadan ay u soo dirayaan Soomaaliya ay ka codsatay dowladda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay si gaar ah uga howlgali doonaan deegaanada Galmudug gaar ahaan magaalada Cadaado.
Ciidamadan ayaa soo dhameystay tababar in muddo ah u soconayay, waxaana dhawaan ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay uga sii gudbi doonaan Cadaado.
Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan booqasho ku tagay wadamo ay ka mid yihiin Jabuuti, Uganda iyo Itoobiya, oo uu kala soo hadlay sidii garab looga siin lahaa dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab.