Uncategorized

Jadwalka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo la soo saaray

Muqdisho-KNN-Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Soo saaray jadwalka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Gudigaan ayaa sheegay in isdiiwaangilinta musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay bilaabaneyso berri oo Isniin ah taariikhdana ku began tahay 23-ka kuna egtahay Talaadada soo socoto taariikhdana ku began tahay 24-ka bishan April.

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay in hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay dhaceyso 25-ka bishaan oo ku beegan Arbaca Soo socoto ayna soconeysa ilaa  26-ka bishan.

Ugu dambeyn guddiga ayaa cadeeyay in doorashadu ay dhaceyso 30-ka bishaan Abriil oo todobaadka damba ah.