Somali News

James oo ka mid ahaa Garsooreyaashii dhageystay dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya oo geeriyooday

James Richard Crawford, oo ka mid ahaa garsoorayaashii dhageystay dacwadii u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya ee ka socotay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa la shaaciyay inuu Geeriyooday.

Crawford, wuxuu dhashay Nofeembar 14, 1948, wuxuu garsoore ka ahaa maxkamadda ICJ ilaa Febraayo 2015 waxaana lagu waday inuu fadhiisto kursiga keydka illaa Febraayo 2024, waxaana uu qeyb ka ahaa Garsoorkii wax ka qaadayay kiiska Badda ee Somalia iyo Kenya u dhaxeeya.

Bayaan ka soo baxay ICJ ayaa lagu sheegay in garyaqaanka oo reer Australia ah uu dhintay 31-kii bishii May.

Crawford wuxuu dhashay ku dhashay 1948 magaalada Adelaide, Australia, wuxuu shahaadada sharciga ka qaatay jaamacada Adelaide iyo shahaadada labaad ee jaamacada wuxuu ka qaatay jaamacada Oxford ka hor inta uusan noqon Qareen.

Kadib wuxuu noqday gudoomiyihii komishanka dib uhabaynta sharciga Australia iyo guddiyo kale oo sharci oo kaladuwan.

Wuxuu sidoo kale xubin ka noqday Guddiga Caalamiga ee Sharciga ee Qaramada Midoobay .