Somali News

James Swan iyo madaxda Dhaqanka oo kulan uga socda garoonka Kismaayo

Kismaayo -KNN-Ergayga gaarka ee xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan soomaaliya James Swan ayaa maanta waxaa uu shir aan caadi aheyn Garoonka diyaaradaha Magaaladda kismaayo kula leeyahay Madaxda Dhaqanka ee Rasmiga ah iyo Midowga musharaxiinta jubbaland.

Dhaq dhaqaaq siyaasadeed ayaa laga dareemayaa Magaalada  kismaayo ee Gobalka Jubbada hoose.

Madaxda Dhaqanka iyo James Swan ayaa ka wadahadli doono in si xalaal ah ay u dhacdo doorashada maamulka Jubbaland, islamarkaana laga shaqeeyo horumarka deegaanada Jubbaland, waxaana kulanka goobjoog ah ka ah Musharixiinta mucaaradka ah ee ku sugan Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Wafdi uu hoggaaminayo James Swan ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanaya ee Axmed Madoobe iyo wasiirada maamulka Jubballand.

Socdaalka  james Swan Waa Mid go’aamin doonto habka ay u dhacaysa doorashada jubbaland iyo in kale, waxaana la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Magaalada Kismaayo.

Safarka Mr Swan ayaa ah kii labaad oo uu Kismaayo ku tagi doono, iyadoo safarkan uu ka duwan yahay safarkiisii koowaad ee kormeerka ahaa, balse xilligan ayaa ku soo aaday waqti xasaasi ah.