Somali News

James Swan oo Baydhabo kulamo kulmay Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta waxaa uu gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

James Swan ayaa  waxaa uu haatan  shir kula jiraa Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi Casiis xasan Maxamed ( laftagareen) iyo Xubno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Safarka James Swan ee Baydhabo ayaa ku soo aaday, iyadoo is mari waa xooggan uu ka jiro hirgelinta hannaanka doorashada, waxaana uu safaro ku tagi doonaa xarumaha Dowlad Goboleedyada, si xa loogu helo is mari waaga taagan.