Somali News

James Swan oo gaaray Hargeysa xilli uu xumaa xiriirka QM iyo Somaliland

Hargeysa-KNN-Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Ergayka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, iyadoo soo dhaweyn kadib loo gelbiyey wafdigiisa dhanka madaxtooyada.

James Swan ayaa maalmihii u dambeeyay socdaallo ku tagayey magaalooyinka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo waday dadaallo ku aadan sidii loo xalin lahaa khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka.

James Swan ayaa hadda madaxtooyada Hargeysa kulamo kula qaadanaya madaxda Somaliland, waxaana xusid mudan in bilihii u dambeeyey uu aad u xumaa xiriirka Somaliland iyo xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.