Somali News

James Swan oo gaarey Kismaayo iyo ujeedka

Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaareyn magaalada Kismaayo ee xaruunta dowlad goboleedka Jubbaland, isagoona wada hadallo la leh mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay wafdiga, iyadoona soo dhaweeynta kadib uu wafdiga aqalka Madaxtooyada Jubbaland uu kula kulmi doono Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa maalmahaan waday socdaalo uu isugu dayayo xal u helida muranka doorashada ee weli taagan, waxaana uu maalintii shalay kamid ah xubnihii Beesha Caalamka ee la kulmay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.