Uncategorized

Janaraal Gorod oo la kulmay talisyadda ciidamada Afrika iyo Mareykanka

Muqdisho-KNN-Taliyaha ciidamada xooga dalka sarreeye gaas Cabdiweli Jaamac Gorod oo magaalada Abuja ee dalka Nageria kaga qeyb galayay shir weyne socday muddo sedax maalin ah.

Ayaa sidoo kale la kulmay madax kale oo uu kala hadlay siddii dowlada Soomaaliya looga caawin lahaa dagaalka ay kula jiraan Al-sahabaab.

Shirkaas ayaa u dhaxeeyay Talisyadda Ciidanka difaaca Qaaradda Africa iyo Dawladda Mareykanka.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Talisyadaasi, siddii ay isku dhaafsan lahaayeen qibradaha, tababarada dhanka ciidanka  iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa  kulmo gooni gooni ah waxa uu la yeeshay Madax ay ka mid yihiin Kaaliye ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee u qaabilsan Africa Ambassador Stephanie S. Sullivan iyo taliye ku xiggeenka Taliska Mareykanka ee Africom.

Madaxda labada dhinac, ayaa  kawada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Taageeridda Ciidamada Xoogga Dalka,  kordhinta Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Alshabaab, siddii looga Caawin lahaa dawladda Soomaaliya Dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wanaajinta Xiriirka Milatary ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.