Somali News

Jarmalka iyo Russia oo dib u soo celiyay duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhexeeyay.

Dalalka Germany iyo Russia ayaa dib u soo celiyay duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhexeeyay, kaddib markii galinkii hore ee shalay labada waddanba joojiyeen socdaalka diyaaradaha tooska ah, muran dhinaca diblomaasiyadda ah aawadi.

Wasaarada Gaaddiidka ee Jarmalka ayaa sheegtay in tallaabada ay ku joojisay diyaaradaha Russia ay qaadday kaddib markii Russia ay diiday shirkadda diyaaradaha Lufthansa in ay soo gacadhigato garoomadooda.

Murankan ayaa soo kala dhex galay dalalka Midowga Yurub iyo Ruushka kaddib markii ay diyaarada Ryan Airlines oo kasoo kicitintay dalka Greece, kuna socotay waddanka Lithuania ay dowlada Belarus hawada ka leexisay bishii aynu soo dhaafnay si ay u xirto saxafi u dhashay dalkeeda oo ay baadi goobayeen in muddo ah.