Somali News

Jarmalka oo cafis weydiistay Poland.

Madawaynaha dalka Jarmalka Frank-Walter Steinmeier ayaa Poland waydiistay in ay ka cafiyaan dagaalkii Naasiyiintu halkaasi ku qaadeen 80 sano kahor inta uu socday dagaalkii labaad ee dunida.

Mr Steinmeier iyo hogaamiyaal kale oo dunida ka socda ayaa ku sugan Poland si ay uga qayb qaataan munaasabada lagu xusayo markii ay colaadu dilaacday. Munaasabada ayaa galinkii hore ee maanta oo Axad ah laga daah furay caasimada dalkaasi ee Wielun, halkaasi oo ay Jarmalku ka bilaabeen duqeenta.

Madaxwaynaha Jarmalka oo la hadlayay dhigiisa Poland ayaa weerarkii Naaziyiinta Jarmalka ku tilmaamay mid lid ku ah bini’aadannimada. Madaxda lafilayo in munaasabadaasi ay galinka danbe ee maanta gadaal uga biiraan ayaa waxaa kamid ah Jansalarka Jarmalka Angela Merkel iyo madaxwayne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence. Inta uu socday dagaalkii labaad ee dunida Poland waxa ay ku weeday lix milyan oo muwaadiniinteeda kamid ah.