Somali News

Jarmalka oo ka Hor Yimid Dalab Kaga Yimid Dowladda Mareykanka.

Muqdisho-KNN-Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Jarmalka Heiko Maas, ayaa sheegay in wadankiisa uusan ka qayb qaadan doonin isbahaysiga uu Mareykanku hogaaminayo ee ka hawlgalaya marin Hormuz.

Maas ayaa wariyaasha u sheegay isagoo ku gada jira safar uu ku tagay  dalka Poland in Jarmalku uusan qayb ka noqon doonin qorshaha uu Mareykanku doonayo in lagu difaaco marinka muhiimka ah ee Hormuz.

Wasiirka ayaa intaasi hadalkiisa ku daray in xaaladda ka taagan gacanka ee u dhaxaysa Mareykanka iyo Iran ay tahay mid sara u sii kacaysa dowladiisana ay doonayso in ay ka fogaato xiisadaasi.

Mareykanka ayaa horaantii isbuucan Jarmalka iyo wadamada kale ee Yurub ka codsaday in ay ka qayb qaataan ciidamada uu doonayo in ay ka hawlgalaan marinka Hormuz.

Jarmalka ayaa ah awooda ugu wayn ee dhaqaalaha Yurub waxa uuna haatan sheegayaa in uusan diyaar u ahayn kamid noqoshada xulafada uu hogaaminayo Mareykanka.