Uncategorized

Jarmalka oo Sheegay inay joojinayaan Tababarka ay siinayaan Ciidamada Xoogga Dalka.

Muqdisho-KNN-Dowladda Jarmalka oo katirsan dowladaha midowga Yurub ee tababara ciidamada soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ey soosaartayb waxa ey ku sheegtay in gabi ahaanba ey joojineeyso ka qeyb qaadasha tabarada ciidamada soomaalida.

Jarmalka ayaa waxa uu kamidyahay qorshe midawga Yurub uu ku tababaro ciidanka xoogga kaa oo magaciisa losoo gaabsho EUTM waxa eyna bilaaben mashruucan sanadkii 2010-kii xilligaa oo dowladda soomaaliya ey ku furnaayeen dagaalo umuuqday in ey ucaalweeysay.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in gabi ahaanba ey ciidamooo  dhan 20askari oo ah tababarayaal ciidankuna sugan gudaha soomaaliya ey dalka kala bixi doonaan bisha Maarso ee Inagu soo foodleh.

Jarmalka ayaa waxa uu soo gababagabeen doonaa howgalklan oo uu jiray muddo Sideed sano ah.

Warkan oo lagu qoray wargeeska Afka jarmalka kusoo baxa ee lagu magacaabo De Spiegel ayaa xubin kamid ah wasaaradda Arimaha dibadda ee dalkaasi oo wareeysi siiyay waxa uu xaqiijiyay in howgalkaa ey isaga soo bixi doonaan sababtana waxa uu ku sheegay horu usocod yari ka jirta soomaaliya.

Ciidamda Qaranka Soomaliya horumarkoodu si gaabisa ayuu ku socdaa waxanana keenay dhibaatooyinka ka taagan dhanka siyaasadda iyo waliba hayadihii dowladda oo heerkii ku haboonaan uusan gaarin dhismahoodu.

Sidaa waxaa usheegay wargeeska De Siegel xubin kamid ah Wasaaradda Arimaha dibadda Jarmalka.

Soomaliya ayaa jooga sida warbixintan lagu sheegay ku dhawaad 155 Saraakiil la taliyaal ciidan ah oo ka socda 12 Wadan oo midawga Yurub ka tirsan.