Uncategorized

Jawaari oo hadal ka jeedin doono kulanka baarlamaanka ee maanta

Muqdisho-KNN-Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan kuleh xarunta Golaha shacbka ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenkii golaha Maxmed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa la filayaa in kulankaan hadal  uu ka jeediyo, kaas oo faafaahin kaga bixinaayo iscasilaadiisa.

Shalay oo Arbaco aheed ayaa lagu balan sanay in Jawaari uu hortago baarlamaanka Soomaaliya laakiin waxaa dib u dhac uu ku yimid kulankii kadib markii fariimo Kala duwan loo Kala diray xubnaha baarlamaanka, taas oo keentay dib u dhaca kulankii baarlamaanka.